|

Dood Cilmiyeedka Horumarinta Kubada Cagta Afrika oo La soo Gebagebeeyey & Nuxurka Natiijada ka soo Baxday

Maroko 23. July 2017 (SDN/QJ):- Xidhiidhka kubada cagta ee Afrika ayaa  Sharaxay Hindisaha cusub ee 24-ka Wadan oo isugu Iman kara tartanka kama dambaysta ah ee kubada cagta .

 

Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada koobka kubadda cagta ee Afrika Amaju Pinnick ayaa maalintii shalay  sababta loo balaadhinayo ka qaybgalayaasha koobka muhiimka ah ee xulalka kubada cagta ee Afrika waxa uu ka hor sheegay kulanka horumarinta kubada cagta Afrika oo lagu martigeliyey   Magaalada Rabat ee Dalka Morooko oo  ay ku kulmeen dadka leh go’aamada kubadda cagta ee Qaaradda Afrika  .

Mr Amuju oo arintaa sharaxayey waxa hadaladiisii ka mid ahaa: ‘soo jeedintani waxay xambaarsan tahay oo ku lammaan faa’iidooyin ciyaareed, kuwo ganacsi iyo kuwo dhanka hagaajinta kaabayaasha ah  waxana aan filayaa in balaadhinta tartankaasi uu Qaaradda ka dhex helayo taageero aad u weyn’.

‘Ciyaaryahankii George Weah ayaa noqday ciyaaryahanka keliya ee Afrikaan ah ee loo garto in uu noqdo ciyaaryahanka sanadkaa ugu wanaagsana Dunida, isagoo sidoo kalena uu helay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa Qaaradda yurub ama Afrikaba, waana ciyaaryahan u dhashay Dalka Liberia, waxana suurogal ah in tiro badan oo isaga u dhigantaa ay Qaaradda ka soo bixi karto hadii aynu weynayno oo balaadhino tartanka kubada cagta ee Qaaradda Afrika, dabeetana waxaa halkii aynu la doonaynay imanaya ciyaaryahano badan oo soo bixi lahaa, inaga oo xitaa George Weah oo kale ka dhex heli karna Jabuuti ama Botuswana.’ sidaa waxa laga sheegay dood cimiyeed labo maalmood ahayd oo halhays looga dhigay ‘Kubada Cagta Afrika iyo Odoroskeena’ laguna qabtay magaalada Rabat ee Dalka Morooko.

Dhanka Dhaqaalaha hadii laga eego waxaa la heli doonaa ururo iyo daneeyayaal ka qayb qaadanaya oo maalgelintooda u diyaar ah taasina waa qaabka ay cid walia ku heli karaan cad weyn oo inay cunaan u qalma.

‘Tusaale ahaan markii Xidhiidhka kubadacagta ee Reer yurub ay tartankooda ka dhigi jireen 16 kooxood waxay faa’iido heli jireen $1.5 billion, laakiin sanadkii hore markay wax ka bedel ku sameeyeen ee tartamayaasha 24 kooxood ka dhigeen waxay faa’iideen adduun gaadhaya $2.1 billion.’ tusaalahan waxaa lagu soo qaaday kulankaa labada maalmood ahaa oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha iyo Xoghayaha guud ee Ururka CAF,  Madaxda xidhiidhada kubada cagta ee Afrika, hogaanka naadiyada waaweyn, dilaaliinta suuqgaynta ku habboon, shirkadaha warbaahinta, iskaashatooyinka baahiya ciyaaraha, khubarada dhanka shuruucda kubadaha iyo ciyaartoydii hore ee guulaha ka gaadhay tartanada xamaasada leh ee Qaaradda.

 

Dooda arintan ku saabsan waxaa lagu sheegay inay lama huraan tahay in kaabayaashii suurogelin lahaa tartanada 24 dal oo isugu yimaadda tartamada kama dambaysta ah ee ciyaaraha kubadda cagta laga hireliyo dhamaan wadamada Afrika, waxana rajo laga muujiyey mustaqbalka kubada cagta ee qaaradda.

Kulanka waxaa kaloo ka soo xaadiray Madaxweynaha Kubadda cagta ee Adduunka FIFA Gianni Infantino iyo inanta Xoghayaha guud ka ah FIFA ee u dhalatay Dalka Senegool Fatma Samoura, isagoo Madaxweynaha Fifa ugu baaqay dalalka Afrika inay ka hortagaan caadada xun ee lagu khiyaamaynayo da’da ciyaaryahanada, si ay taasi u noqoto talaabadii u horaysay ee lagu xoraynayo ciyaarta.

‘Dood cilmiyeedkani waxay noqon doontaa dood diiran oo faa’iido u leh mustaqbalka kubada cagta ee Afrika, waana inaynu midnimo muujinaa, shaqo adagna qabanaa, si  fikradaha aynu is weydaarsanay ugaga faa’iidaysano qaabkii aynu hore ugu wadi lahayn kubadda cagta Afrika oo meel cusub u gaadhsiin lahayn.’ sidaa waxaa kulankaa ka sheegtay Xoghayaha guud ee kubada cagta adduunka FIFA Marwo fatma Samoura.

Madaxweynaha FIFA oo markii uu hadlayey is dhex dhigay kelmado English ah kuwo faransiis ah iyo weliba weedho af carabi ah ayaa waxa uu balanqaaday in FIFA ay la diyaar tahay taageero buuxda si kor loogu soo qaado hanaanka ciyaaraha ee Qaaradda Afrika, isagoo cadeeyey kartida ay xiligan kubada cata ee Habluhu ku dhex leedahay Qaaradda Afrika, waxana uu ku adkaystay in maalgelin xiliga dheer ah oo la geliyaa ay ay tahay ta suurogalka ka dhigaysa inay ciyaaraha afrika gaar ahaan kubada cagtu hore u ruqaansadaan.

Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada cagta ee Afrika Axmed Axmed oo isna hadal ka jeediyey xafladii furitaanka ee kulankaa dood cilmiyeedka ah  ee lagu qabtay magalada Rabat waxa uu yidhi sidan: ‘Xaqiiqadu waxay tahay in aynu kala helno aragtiyo is waafaqsan, taasoo qayb ka ah sidii aynu hore ugu sii wadi lahayn kubada cagta ee Qaaradda, waana inaynu awooda saarnaa waxyaabaha aasaasiga ah, isbedelna ka muujinaa kubadeena cagta’.

Comments are closed