|

“Dadku Waxay Ka Cawdeen Xammaaliinta Madaarka, Ee Shan Doollar Lacag Ka Badan Kama Qaadi Karaan.” Maamule Ku-xigeenka Madaarka Cigaal

Hargaysa, 08 April, 2016-(SDN/QJ): – Shirkii Bilaha ahaa ee ay isku Xog-waraysan jireen Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Shaqaale-Weyanaha Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa, ayaa Shalay ka qabsoomay Hoolka dhoofayaasha ee Madaarkaasi.

 

IMG_F80BF4-8FA67F-3D825E-C09326-366E3B-2B2BD7Waxa ugu horayan halkaasi hadal ka jeediyey oo faahfaain ka bixiyey Maamule ku Xigeenka 1aad ahna Ku simaha Maamulaha Madaarka Maxamed Xuseen Jaamac, waxaanu yidhi, “Munaasibaddu waxa ay daarantahay Shirkii Bilaha ahaa e aynu qabsan jirnay bil walba, waxa aynu isugu nimi in aynu ka hadalno qodobbo muhiim ah, kuwaas oo koowaad yahay Ummaddu marka ay ka soo degaan Madaarka waxa ay ka cawdaan Tagaasida iyo Xamaaliinta, oo marka qofku u yimaaddo wax Alle waxa ay doonayaan ayay waydiiyaan, xamaaliinta lacag ayeynu u qoondaynay in ay Dadka ka Qaadaan oo Shan Doolar ($ 5) wax ka badan kama qaadi karaan, qolada Tagaasidana lacag ayeynu u qoondaynay ee intii loo qoondeeyay wax ka badan Dadka kama qaadi karaan.”

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan, ayaa isaguna tilmaamay in la gudo-geloyo Wakhtigii Xagaaga ee Dadka Reer Somaliland ee dibadda ku dhaqan ay Dalka ku soo laaban jireen, waxana ka mid ahaa hadaladiisii, “Waxa aynu galay wakhtigii xagaaga oo bishan 4aad marka ay dhamaato illaa May 15 ayey inoo imanayaan Dadkii dibadaha ka iman jiray, markaa waa in aynu u diyaargarowno, oo ay inagala kulmaan soo dhaweyan aad u saraysa.”

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Nuur Faahiye, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay Shaqaalaha Madaarku in ay yihiin kuwa ugu Wanaagsan Waddanka isaga oo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Waxaan ka soo shaqeeyay shaqooyin badan oo qaarkood habeenimo la galayey, markaa waxan halkan ka qirayaa in Shaqaalaha Madaarku Yihiin kuwa ugu wanaagsan Shaqaalaha Waddankeena.”

 

Ugu danbayantii, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarax ayaa Shaqaalaha kula dardaarmay in ay muujiyaan is dhex-gal oo ay dadka kale iska jeclaadaan isla markaana ka dheeraadan qabyaaladda, waxaana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya, “Wejigii Ummadda Reer Somaliland ayeynu nahay, intiina halkaa fadhidaa ayaa ah Dibulamaasiyiintii, Wasiirradii, Wasiir ku Xigeenadii Qaranka, qofka halkaa ka dhoofaya ama ka soo degayaa inta halkan ka hawlgalaysa sida uu u arko ayuu ku qiimaynayaa Waddanka, Waddan walba Dadkiisa ayaa leh, Waddan walba Dadkiisa ayaa dhisa, Waddan Walba cidda u shaqaysa ayaa isu xilsaarta”

Comments are closed