|

Dhacdo Dhexmartay Ilaalada Madaxweynaha Turkiga iyo Sarkaal Sirdoonka Maraykanka ah

Washington 08.April 2016 (SDN/QJ):- Waxa muuqaallada iyo warbaahintu soo tebiyeen dhacdo xiiso badan oo dhexmartay sarkaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka iyo ilaalada khaaska ah ee Madaxweynaha Turkiga, kadib markii Ilaalada madaxweyne Erdogan, mudaharaadayaal iyo weriyayaal isku dhex qabsadeen magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka.

<> on December 7, 2009 in Washington, DC.

Hoggaamiyaha Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan oo safar ku tegay dalka Maraykanka si uu uga qaybgalo shirka arrimaha hubka nukliyeerka, lana qaatay waqti hoggaamiyeyaal kale oo adduunka ah, ayaa markii shirkaas laga soo baxay ay is qabsadeen ilaaladiisa gaarka ah, dad mudaharaadayaal ah iyo suxufiyiin kala duwan.

Waxa muuqaaladu qabteen ilaalada Madaxweyne Erdogan oo dibadda taagan oo kala jeexaya boodhadh ay ku qornaayeen erayo ka dhan ah Madaxweyne Erdogan, qasabna kaga saaray gacmaha qof mudaharaade ah, halka suxufiyiin goobta joogayna ku doodeen in ay ilaaladu riixeen, laagna la dhaceen.

jp-brennan-master675Goobta oo buuq ka jiro, ayaa mid ka mid ah sirdoonka Maraykanku soo gaadhay, lana hadlay ilaalada madaxweynaha Turkiga, isagoo ku cannaantay in ay khalad sameeyeen, waxaanna ka mid ahaa kelmadihii uu ku lahaa; “Halkan waa Maraykanka (This is America!) waddada dhinaceeda taagnaada, ma i fahamtay? U sheeg inuu is dejiyo halkan waa Ameerika. Sida dadka waaweyn u dhaqan oo waddada dhinaceeda istaaga, buuq iyo sawaxan baad abuurteen, anniga dhibaato ayaad ii keenteen, idinna ilaalintiinna waad ku xadgudbaysaan.”

Sidoo kale, waxa isna hadallo cadho leh ka soo baxaayeen ninka u ilaalada ah Madaxweynaha Turkiga, balse uu aamusiyey sarkaalka ka sarreeya oo u sheegay inuu aamuso.

Xukuumadda Erdogan ee ka talisa dalka Turkiga, ayaa lagu eedeeynayey waqtigan in ay cadaadis ku hayso xorriyatul-qawlka, iyadoo suxufiyiin badan ka mudaharaadeen xadhiga weriyayaal Turki ah, halka suxufiyiinta ajnebiga ahna sheegaan in xad-gudub lagula kaco oo aanay si xor ah waxba u soo tebin.

Dadka ku mudaharaaday madaxweyne Erdogan, ayaa u badnaa bulshada ka soo jeeda degaannada Kurds ee ku dhaqan Koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, kuwaasoo doonaya inay samaystaan dawlad gaar ah.

Comments are closed