Uncategorized

Dagaal xooggan oo goordhaweyd ka bilaabmay magaalada Kismaayo

Kismaayo 07/Jun/2013 (SDN) Wararka naga so garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in dagaal magaaladaasi ka qarxay  saacad ka hor u wali magaaladaasi ka socdo.

Dagaalkaan ayaa waxaa la isku adegsanaya hubka nocyadiisa kala duwaan  waxaana  uu dhexmaraya beelo wax ka wada  daga  Gobolada Jubboyinka .

Dagaalkaan ayaa waxaa uu wali ka socda  Xafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo waxaana ila iyo hada  ku nafwaayay  4 qof oo 3 ka mid ah ay tahay  dhinacyadi dagaalamayay halka  qofka kale uu yahay  hawenay  ka mid ah Shacabka Kismaayo dadka dhintay waxaa ku jira saraakil  caan ah .

Ciidamada Amisom  oo ku hubaysan  Gawaarida gaashaman ayaa   dhawana soo garay  Agagaarka halka uu  dagaalkaani ka socda waxaana lo badinaya in Ciidamada Amisom ay kala  dhex gali doonan dhinacyada  ku dagaalamaya  Xafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo.

 

Kismaayo

qurbejoog.com