|

Soomaaliya iyo Noorway oo kawadahadalay Somaliland

Muqdisho April 26, 2023 (QJ) -Wakiilka rasmiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa maanta la kulmay ergayga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Johansen, oo ay ka wadahadleen qaabka ugu habboon ee loo xallin karo arrimaha Somaliland.

Mudane Guuleed waxa uu ergayga Norway warbixin ka siiyey sida ay dawladda Federaalka Soomaaliya u doonayso inay dib ugu soo celiso una dar-dar geliso wada-hadallada Soomaaliya Iyo Somaliland, isagoo ku nuux-nuux saday in wax kasta oo khuseeya Somaliland la eegi doono.

Ms. Johansen ayaa ku nuuxnuuxsatay in Norway ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonto sidii loo fududeyn lahaa wadahadal miro dhal ah oo dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dowladda Norway ayaa hore si weyn u taageertay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana ay sii waddaa dhiirigelinta wada-hadallada labada dhinac.

Comments are closed