Uncategorized

DAGAALKA SAAKA WAXAA KA MASUUL AH WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA IYO TALIYAYASHA CIDANKA POLICEKA IYO MILATRYGA

waxan hambalyo u diraya shabakada no fududaysa inaanu xaalada wadanka ka jirta e xaqaaiqa ku salaysan nala soo socodsisa

hadii aan u gundo rogto nuxurka faaladani salka ku hayso ama arimaha had iyo jeer igu qasba inaan ka hadlo

saaka subaxi hore dadka ku nool hargaysa waliba bariga hargaysa waxa toosisay xabad iyo madafiic la isku garaacayay runti dadki i waramayay waxay i sheegeen in aanay cidi ka shaqo tagin manta dibadana looga bixi karin guryaha sababto ah cabsi laga qabo hubka waawayn e la isku adeegsanayay e ay xukuumadu ku garaacaysay koox yar o hub la fadhiisatay goob dhul ah ama beer ah o xukuumadu ka iibisay ganacsade

hadaba arinkan dhulka markaan u so noqdo hore waxaa lo so arki jiray in dhulka ay isku qabsadaan dad shacab ah oo maxkabado la isla galo ama afkuba qaldamo o dagal ku dhex maro laba kooxood o shacab uun ah se wakhtiyadan danbe waxaa aan haya tiroba dhawr arimood oo shacabku aanu shaqo ku lahayn ee intaba ay ka masuul tahay xukuumada talada haysa

dhulkan manta la isku dilay ee sababay dhimasho iyo dhaawacba ama dad aan waxba galabsan ay ku naf wayeen waxaa ka danbeeyay dawlada waliba sida carabka lo badilanyo waxaa ka masuul ah wasiirka arimaha gudaha oo dhulkan ka iibiyay nin ganacsade ah

hadaba mid aya meesha taala masuulka so mara dawladan miyaanu shaqadiisa gudan karin ilama aw dhawr higtar oo dhul ah oo shacab leeyay iibiyo runti wa masiibo qaran o laga ducaysto qof masuul ah ooo lo igmaday xil qaran o dad masuul u ah o dadki aw masuulka u ahaa khiyaamaynaya o dhulkodi iyo hantidooodi boobaya oo hadana madfac ku garaacaya wax lo dul qaadan karo maaha wax la sii eegan karona maaha

arinkani waxa aw khuseeya sadex masuul
1 mayiarka magalada hargaysa  mr jiciir
2 wasiirka arimaha gudaha        mr duur
3 taliya ciidanka police              mr fadal

sadexdaas masuul ayaa ka masuul ah arinkan marka lo eego si caalami ah

hadaba hadal badan haamo lagama buuxsho wax loo dul qaadan karona maaha xaalada argagaxa leh ee maalinba maalinta ka sii danbaysa wadanku aw sii galaayo iyo waxyaaban aan hore loogu baran ee so dhalanaya in go’aan dag dag ah laga gaadho ayay u baahantahay

waxa nasiib xumo ah policeki maxkabadi golayashi sharci dajinta kuli wixiiba wa isku group cid loo ashkatoodo la garan maayo marka waxaan ku talin laha waxaa muhiim ah ooo lagama maarmaan noqotay in la sameeyo hay’ad ka madax banaan dawlada oo lo ashkatoodo o ka kooban dad diin aqoon dhaqan leh o caanka ah wadanka somaliland o masuulka la tuhmo ee lagu tuhmu musuq maasuq danbi dagaal la hor geeyo

waayo masuuliyiinta qaranka e xilka dadka u haysa waxay badana u xoog sheegtaan dadka shacabka ah e kuraasta ay manta ku fadhiyan saaray e nabada ay manta maamulayaan ee ay ku talinayan e ay ku tumanayan salka u haya manta hadii lagu kala yaaco yay u talin afka wada qaloocan laha ilayn caloolyo ayaa balaadhee walahi in ay gaajo iyo sharaf xumo ay u wada dhiman lahayen

arinka manta ka dhacay bariga hargaysa agagaarka warshada kabista masuuliiinta ka masuulka ah wa wasiirka arimaha gudaha iyo taliyayaasha policeka iyo milatryga o amar sare ku shaqaynaaya

dadka ku dhintay dagaalka ku dhaawacmay khasaaraha ka soo gaadhay intaba iyaga aya ka masuul ah waliba wixi kale ee aano ah ee ay sababto arintaasina iyaga ka masuul ah waxaana lama huraan ah in maxkabad danbi dagaal la so taago o sharciga la mariyo la xukumo

allaah aya mahad leh
yahye askar
saudi arebia