|

Qoyska Reer  Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii & Qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Farduus Cabdilaahi Miguel oo Jabuuti Ku Geeriyootay

Innaalilaahu Wa Innaa Ilayhun Raajucuun—Geeridu Waa Xaq Qoyska Reer Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh u Dirayaan Qoyskii, Qaraabadii Iyo Eheladii ay ka Baxday Ilaahay Naxariistiisii Jano ha ugu Deeqee Marxuumad Farduus Cabdilaahi Miguel oo Ku Geeriyootay Caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti Waxayna Tacsidan si Gaar ah u Gaadhsiinayaan Xasan Siciid Khayre oo ahaa Sayga qabay Marxuumadda Geeriyootay.

Qoyska Reer Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole Waxay Marxuumad Farduus Cabdilaahi Miguele Ilaahay uga baryeen inuu Naxariistiisa Jano ugu Deeqo Intii ay ka baxdayna Samir iyo Iimaan ka Siiyo.

Inaa lilaahi Wa inaa Ilayhun Raajicuun

Comments are closed