Hargeysa July 08,2012(SDN)-Guddoomiyaha Urur weynaha Suxuufiyiinta Somaliland Md Xasan Maxamed Yuusuf ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu uga xog waramay hab dhaqanka Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ee ku wejahan saxaafada ka hawlgasha gobolkaasi.
Guddoomiyaha Ururka Suxuufiyiinta Somaliland ee SOLNA Md Xasan Maxamed Yusuf ayaa si adag u canbaareeyay hab dhaqanka Guddoomiyaha Gobolka Saaxil hadaladiisiina waxa ka mid ahaa; “Badhasaabku wuxuu sheegay in wariyeyaasha ka hawlgalla gobolka Saaxil uu doonayo inuu kala jeclaysto, isla markaana amaro xad gudub ku ah xoriyadda warbaahinta kula kacay suxufiyiintaasi.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil waxa uu sameeyey kala takoorid uu ku sameeyey inamadda suxufiyiinta ah ee joogga gobolka Saaxil, oo uu yidhaa cidaas mooyee cid kale oo meel dawladu leedahay gali karta oo war ka qaadi karta ma jirto.
Taas oo macnaheedu tahay kii aan aniga hawshayda fulinayn goobaha wararka ma tagi karo, markii u dambeysay waxa uu marayaa inuu yidhaa qof liisan iga haysan wariye kama noqon karo gobolka, runtii waa wax aad looga yaabo ah in nin gudoomiye gobol yidhaa anigaa aqoonsada oo sharci siinaya wariyaha, gudoomiyaha waxaan leeyahay sida aad u dhaqmaysaa waa mid laga fiican yahay, saxaafaduna maaha mid adiga iyo qayrkaa daba fadhiisanaya, qaar aad yeelan kartidna maaha.
Inaan dhimanayo sidaan u ogahay ayaan u hubaa inaad dhiidhi dhexfadhiisanayso oo aad ceeb ka qaadayso haddii aad sidaas u sii socoto, dadkana baritoole ka mid noqon doontida waxaad dhitaysataana waa wax kuu yaalla”ayuu guddoomiyaha SOLNA hadalkiisa ku soo gunaanaday.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
