|

Dallada SONSAF oo warbixin ka soosaartay qaabkii ay u dhacday doorashadii Deegaanka Somaliland, goobo kormeerayaashooda laga saarayna tilmaantay

Hargeysa November 30, 2012 (SDN)- Dallada ay ku midoobeen ururada aan dowliga ahayn ee Somaliland oo magaceeda loo soo gaabiyo SONSAF, ayaa war-murtiyeed ka soosaartay doorashadii Arbacaddii doraad ka dhacday Somaliland.

SONSAF oo hawlgelisay ilaa 700 kormeerayaal maxali ah, waxay warbixinteedu u muuqataa mid laga dheegay warbixin hordhac ah oo ay Kormeerayaasha Caalamiga ahi shalay ka soosaareen habkii doorashadu u dhacday, isla markaana ma jirto tilmaamo kale oo mugle oo ka duwan warbixintaa hore. War-murtiyeedka dheegashada ah ee SONSAF, waxay u dhignayd sidan;  “SONSAF waxay wadda shaqayn buuxda la lahayd guddida doorashooyinka qaranka iyo guddida diiwaan-gelinta ururada iyo ansixinta asxaabta qaranka,waxay SONSAF abaabushay bulshada rayidka ah (Civil Society/ NSA) kuwaasoo si mugleh uga qayb-qaatay sidii ay doorasho xor ah oo nabad ah Somaliland uga dhici lahayd .

SONSAF waxay hawl-gelisay 800 oo goob-jooge iyo 16 kooxood oo wareega kuwaas oo gooob joogayaal ka ahaa ilaa 925 oo doorashadu ay ka dhacaysay, waxayna soo wariyeen in marka laga reebo degmada Xuddun ay doorashadu si nabdoon u dhacday.

Waxay goob-joogayaasha SONSAF ahaayeen kuwa dhex-dhexaada kana kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada (culimada, salaadiinta, haweenka, dhallinyarta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo ardayda jaamacadaha dalka).

Waxay SONSAF u mahadcelinaysa dhammaan goob-joogahaasha doorashada kuwa SONSAF iyo kuwa caalamiga ahba.

Waxa kale oo ay SONSAF u mahadnaqaysaa dhammaan dhallinyartii ka shaqaynaysay goobaha doorashada.

Sidoo kale waxay u mahad-naqaysaa guddida diiwaan-gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka oo sameeyey wacyi-gelin ku saabsan habka ururada iyo xisbiyad look ala reebayo iyo dhammaan cidkasta oo Somaliland ka taageertay qabsoomidda doorashada farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba .

Waxa kale oo aan la ilaabi Karin ciidanka Amaanka oo intii ay doorashadu socotay ilaalinayey nabadgelyadda .

Ugu dambayntii dadweynihii doorashada u soo dareeray ayey SONSAF ku bogaadinaysaa, uga mahad-celinaysaa habka fiican ee nabadda ah ee ay u codeeyeen.

SONSAF waxay samaysay hab u saamaxaya in ay ogaatao xaaladda goobaha codbixinta, hadda tahay furitaanka goobta codbixinta , codaynta, iyo xidhidda, tirinta codka iyada oo adeegsanaysa hab casri ah oo ay ka taageertay hay’adda shaqadoon oo aan uga mahad-celinayno taageeradeeda.

Habkaasi oo SONSAF u ogolaaday in ay ogaato dhammaan xaaladda doorashada ee degmooyinka iyo goboladda dalka oo dhan.

Waxaa taasu y saamaxday in ay hesho 6500 oo fariimood oo uga yimi goobaha codaynta xilliyaddii furitaanka, codaynta, xidhitaanka, tirintaba.

Haddaba waxay goob-joogayaasha SONSAF soo weriyeen in ay jirtay xaamadda farabadan , isriix-riix ay dadku isriix-riixayeen , iyo askarttii oo dadka dib u riixaysay si ay u sugaan amaanka goboladda ugu darnaa waxaa ka mid ahaa gobolka Saaxil , degmada Berbera, halkaas oo laba qof ku dhaawacmeen.

Waxa kale oo ay goob-joogayaasha SONSAF soo weriyeen in ay jirtay soo noq-noqosho goobaha codbixinta taasi oo ay sabab u ahayd laalistii diiwaan-gelinta.

Waxay goob-joogashu soo weriyeen in ay jiraan dad ka yar da’dii oo codeeyey goobaha qaar waxa la furay waqti ka dambeeyey waqtigii loogu talagalay.

Tirada codbixiyaasha oo aad u tiro badnaa waxay sababtay in ay goobo ka tirsna goboladda ay waraaqihii codbixinta ka go’aan In ay jireen baabuur ay musharaxiinta dadka ku daad-guraynayeen taasi oo keentay in ay dadkii markii hore safka ku jiray iyo dadka baabuurka lagu keenay ay isku dhacaan dhawr goobood.

In khadka doorashadu ahaa mid la masaxikaro lana arkayey dad badan oo intay iska masaxeen dib u codeeyey.

In aanay jirin wax cabudhin ah ama cago juglayn ah oo lagula kacay shaqaalaha komishanka ama dadkii codaynaayey.

Goob-joogayaashu waxay soo weriyeen in aanay arag wax ku shubasho ah ama codad la xaday In goobaha waqtigii loogu talo galay la xidhay iyada oo ay goob joogayaashu joogeen ilaa intii ay socotay tirintu.

In ay dhammaan doorashadu u dhacday si nabad gelyo ah iyo in ay shaqaalihii komishanku si xor ah u wateen shaqadooda , goob joogayaasha SONSAF waxay indha indheeyeen qiyaas ahaan 60% dhammaan goobaha codbixinta, waxa goob joogayaasha SONSAF laga saaray 4 goobood xilligii codbixinta.

Gebo-gebo

Guntii iyo gunaanadkii waxay SONSAF cadaynaysaa in ay doorashadu ku dhacday hab-nabad-gelyo ah isla-markaana xor iyo xalaal ah.

Habaddaba SONSAF waxay ku talo bixinaysaa in codadka musharaxiinta iyo ururada/xisbiyadda si hufan loo tiriyo ururada /xisbiyadda tartamayana iyo musharaxiintoodaba ay aqbalaan natiijada ka soo baxda doorashada wixii cabasho ahna loo maro waddada sharciga ah.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed