|

Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Muqdisho Nov 30, 2012 (SDN)—Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxuu goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga iyo wafdigii uu hogaaminaayay kuwaas oo safaro dhowr ah ku soo kala bixiyay waddamo ku yaal geeska Africa.

Wafdiga uu madaxweynaha Soomaaliya horkacaayay ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashandhiga Cabdi Xakiin Maxamuud Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Waxaana Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisal wasaaraha xukumadda Soomaaliya Cabdi Faaarx Shirdoon Saacid.

Waxaana ay haatan ku sugan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu horkacaayo qolka VIP-da ee garoonka diyaaradaha Muqidsho,iyadoona lagu wado in halkaasi ay kula hadlaan warbaahinta.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxa ay ka soo laabteyn waddamada Ethiopia iyo Djibouti kadib markii ay casuumaad ka heleen.

SDN-Muqdisho

Comments are closed