|

Muuse Biixi oo ka horyimi soo dhaweynta Suldaan Cade Gudde iyo amar uu bixiyay

Hargeysa (QJ) Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu ka diday soodhaweyn Hargeysa loogu sameynayo Guddoomiyaha Guddida Garxajis Suldaan Cade-gude.

Shacabka Hargeysa ayaa u diyaargaroobaya in soo dhaweyn balaaran u sameeyaan Suldaan Axmed Cismaan Cade-Gude oo dalka dib dhawaan ugu soo guryo noqonaya, xili Muuse Biixi uu la daalaa dhacayo caqabado isbiirsaday oo guddo iyo dibedba uga imanaya.

Kulan dhawaan ay yeesheen jufada Muuse ayaa Khadar Laangadhe u xilsaarey in isaga oo kaashanaya meleeshiyo beeleed ay beegsadaan Suldaanka iyo dadka soo dhaweynta u sameynaya.

Dadka degaanka ayaa dhankooda isu diyaarinaya in ay iska caabiyaan Khadar Laangadhe iyo meleeshiyo beeleedka uu wato, iyaga oo dhanka kalena isha ku haya kuwa degaanka ka soo jeeda ee uu ku shaqeysto.

Qorshuhu waxa weeye in si Laangadhe loogu quusgooyo marka hore digniin kama danbeys ah la siiyo dhalinta degaanka ee ay isticmaalaan.

Hadii  digniintu shaqeyn weydana, dhalinta la adeegsado oo la diiwaangeliyay iyo dhalinta reer Hargeysa kala calaf qaadaan.

Si kastaba ha ahaatee, dadka reer Hargeysa ayaa iminka diirada saaraya horgaleyaasha ciidan iyo kuwa siyaasadeed ee degaakooda si dalka ama isbedel loo gaarsiiyo ama sagxada laga soo wada bilaabo.

Arintani digniin uma aha uun Muuse iyo damaciisa guracan ee waxa bartilmaansigu yahay kuwa kudaaban ee Degaanka lugta u qabtay HEEGO, sida hogaamiyeyaasha axsaabta mudo xileedkoodii, hankoodii iyo mansabkoodii la seejiyay.

 

 

Comments are closed