|

“Daraasad ayaan ka samaynaynaa sababaha Xisbiga Waddani u guulaysan waayay,Laakiin maanaan Guul daraysan Balse waxaanu Gadhi waynay Wixii aanu Doonaynay” Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan DAAWO

Hargaysa 10. December 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii kowaad waxa  uu ka hadlay inay Xisbi ahaan ka qayb galayaan Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

‘’Xafladaas wali maanaan qorshaysan yana nama macsuumin wax qorshe ah oo nooga yaalaana ma jiro laakiin mustqablka waxaan u daynaynaa markeeda iyo waqtigeed”

 

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Maanta Xogwarankan Kooban siiyay Telefishanka HCTV, waxaa kale oo uu sheegay inay daraasadaynayaan inay ogaadaan sababaha keenay inay gaadhi waayaan hanashada hogaaminta qaranka.

 

‘’Maanaan guul-daraysan laakiin waxaanu gaadhi waynay wixii aanu doonaynay oo ahaa inaan talada wadanka qabano taasina waa waxa loo tar-tamo oo had iyo jeer waxa loo tar-tamo ayaa ah inaad waxaad usocotay gaadhi waydo iyo inaad gaadho,

 

Runtii sababo waa jiran waana badan yihiin anagana waa laga yaabaa inay xagayaga ka timaado sababo aanu tirsanayno in gacmo kale soo galeen iyo in Doorashadii mad-madow fara badani ku gadaamaa oo aanu marar badan xusnay intuba waa jireen oo anu wax ka tabayno laakiin intaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday waxaanu aqbalnay natiijadii kasoo baxaday Doorashada,

 

Runtii ka Xisbi ahaan waxaan wadnaa daraasad kusaabsan dhac’dadii dhacday iyo waxyaabah keenay inaynu gaadhi wayno halkii aan rabnay Awoodii aan lahayn iyo Filashadeenii maxaa hoos uga dhigay? iyo sidoo kale maxaa kusoo kordhay Doorashada? oo runtii uu jiro in wer-wer noocaasi ahi yimaado in gacmo shisheeye ina soo galeen kamana hor dhacayo runtii oo waxan u daynayaa daraasada iyo waxa kasoo baxa isha allaahu tacaalaa,

 

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani wuxuu ka hadlay waxay xisbi ahaan kala socdaan taageerayaal ka tirsan Xisbigiisa oo Shirar ku leh Gobolka Sanaag ‘’Taageerayaashayadu waxay xaq uleeyihiin inay cabiraan rayigooda iyo inay dareenkooda soo gudbiyaan Dalkuna waa dimuqraadi xorbayna u yihiin.laakiin talo uu Xisbigu ku tashaday inuu shir halkaa ku qabsado oo naga soo goday ma jirto. hadiise ay timaado meel fog halaga soo sheego ama meel dhawe haday talada timaado ah aynu talo isugu nimaadno wa markeeda iyo maalinteeda laakinse Deegaanadu inay cawdaan xaqbay u leeyihiin oo ka cawdaan maamulka jira inay tabashadooda iyo waxay tabayaan sheegtaan xaq bay u leeyihiin haday xisbi ahaan yidhahdaan aan tashano oo talo iswaydinona xaq bay u leeyihiin laakiinse wali ma dhicin iminka talo Xisbigu ku go’aansaday inuu meel tago wali ma dhicin’’

Comments are closed