|

Muqdisho: Weriye Ka Tirsanaa Telefiishanka KALSAN Oo Qarax Lagu Dilay

Muqdisho 12. December 2017 (SDN/QJ):- Alle ha u naxariistee Weriye ayaa  Galinkii dambe shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Wariyahan oo ka tirsanaaa Telefishinka Kalsan ayaa galabnimadii Shalay  lagu dilay Qarax loogu xidhay gaadhigiisa degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Ibraahim Gaaboow ayaa lagu dilay miino nooca Gaadiidka lagu xidho ah oo loogu rakibay Gaadhigiisa gaarka ah, taasi oo ku qaraxday isla-markaana sababtay Geeridiisa.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in Weriyaha dhintay in gaadhiga la saarnaayeen Carruur yar yar oo uu dhalay Saaxiibkii, laakiin waxba kumay noqonin Carruurtaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta uu ka dhacay qaraxa oo aheyd kawaanka Kallluunka ee degmada Wadajir.

Miinada noocan ah ee qeybta hoose darawalka gaadhiga lagu dhejiyo ayaa ka mid noqotay aaladaha lagu bartilmaameedsado ee dadka lagu khaarajiyo, waxaana hore loogu dilay Weriyeyaal, mas’uuliyiin iyo dad kale.

Comments are closed