|

Dawlada Federaalka oo Maalin Cusub u aqoonsatay Xidhiidhka Turkiga iyo Somalia

Muqdisho 30.Sep 2013 (SDN)-Raysul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo xalay la kulmay ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Turkiga ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya  ay Agoosto 19 u aqoonsatay maalinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra'isal wasaaraha Somalia Saacid 2Shirdoon ayaa tilmaamay in maalintaas ay tahay markii raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqday magaalada Muqdisho, xilli dadka Soomaalidu ay aad ugu baahnaayeen taageerada caalamka.

Waxa uu ugu baaqay ardayda wax ka barata Turkiga in sanad walba ay xusaan maalinta Agoosto 19, si loo weyneeyo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhinaca kale, Shirdoon oo casho sharaf la qaatay duqa magaalada Istanbul Hüseyin Avni Mutlu ayaa sheegay in ay isla garteen kordhinta taageerada Turkiga uu u fidiyo Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, waxbarashada, dib u dhiska iyo horumarrada kale.

Raysul wasaaraha ayaa  sidoo kale ganacsato Turkish ah kala hadlay sidii ay u maalgashan lahaayeen Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed