|

Shir Caalami ah oo Hargaysa ka Furmay kaas oo dib u eegis loogu samaynayo Waxqabadka Hay’ada Unicef

Hargaysa 30.Sep 2013 (SDN)- Xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galay Shirweyne ku saabsan dib u eegis lagu samaynyo waxyaabaha ka qabsoomay qorshayashii Hay’adda UNICEF ee mudadii shanta sano ahayd ee 2011-2015 , shirweynahas oo ka dhacay Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen wasiirada wasaaradaha qorshaynta Qaranka Dr sacad Cali Shire, Biyaha Engineer Xuseen Axmed Cabdallah, Qoyska iyo arimha bulshada Mxamuud Axmed Barre (Garaad) Dhalinyarada iyo Ciyaraha Cali Siciid Reygal, wefti ka socday xafiiska Nairobi ee UNICEF iyo mrti sharf kale.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka 2Hadal uu furitaankii shirkaa ka jeediyey wsiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in Hay’adda UNICEF ay dawladda Somaliland kala shaqayso qaybaha Dhalinyarada, Biyaha, Shaqada iyo arimaha bulshada, waxbrashda, Caafimdka iyo meelo kale.

Wasiirka qorshayntu wxa uu sheegay in guulaha laga gaadhay wax wada qabsigii ay UNICEF la lahayd hay’adaha dawladda ay ku qotonty qorshayaashii ku saabsana yoolkii la tiigsanyey ee hore loo dejiyey mudadaa shanta sanadood ah.

Dr sacad Cali Shire wax uu si weyn u faahfaahiyey natiijooyinka ka soo baxay darasadahii laga qday qorshayashii la dejiyey waxa uu sheegay in 51% oo keliya ardayda u baahan waxbrashadu ay Schoolo ku jiraan, dhanka talalkana ay 25% oo keliya ay ubadka Somaliland helaan talaalkii loo baahnaa, sidoo kalena dhanka haweenka uurka leh ay 25% oo keliya ahi haweenka Somaliland ay fursad u helan inay dhakhaatiir arkaan foosha ka hor, haweenkas oo 1% ka mid ahi ay umul raacdo arimahanina ay muujinayan in dalkan uu geeddi dheer u hadhay si loo mareeyo dhibatooyinka bulsho ee ka taagnaa mudda dheer.

Dr sacd Cali Shire waxa kale oo uu sheegay in sahanka la sameeyey uu xaqiijiyey in 42% dadka reer somliland ay helaan biyo nadiif ah oo la cabbi karo, halka toban qof oo kasta oo ka mid ah umadda Somaliland ay Todoba ka mid ahi aanay helin biyo iyo musqul isku yaalla.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire waxa uu ku tilmamay marxaladda la marayo mid soo wanaagsananaysa marka la dhinac dhigo halkii lg yimid ee wax laga soo bilaabay muddo ka hor, waxana uu xaqiijiyey in la samaynayo guddi wada jir ah oo ka koobn dawladda somliland iyo hay’adaha caalmig ah kuwasoo drsdynay soona bndhigy qorshayshii lagu dhamystiri laha ajendyashii lagu calmadiyey inay qabsoomn mudd shnt sanadood ah ee 2011 ilaa 2015.

Dhanka kalen waxa hlka munsabaddaa ka hadlay ms’uuliyiin ay ka mid yihiin wsiirda wsaradaha Biyaha Engineer Xuseen Axmed Cabdallah, Qoyska iyo arimha bulshada Mxamuud Axmed Barre (Garaad) Dhalinyarada iyo Ciyaraha Cali Siciid Reygal iyo wefti ka socday xafiiska Nairobi ee UNICEF

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed