|

Dawlada Iran oo dalalka Khaliijka ku eedeysay in ay Burcad badeeda gacan siiyaan

Tehran July 31,2012(SDN)-Wakaalada wararka ee dalka Iran ayaa daabacday war ay ka soo xigatay mid ka mida taliyeyaashooda ciidamada badda ee hawlgalada Burcad badeed la dagaalkan ah ka wada xeebaha Soomaalida oo uu uga hadlayo halka Soomaalidu ka keento hantida ay ku hawlgalaan burcadu.

Wakaalada Iran ee FARS ayaa soo xigatay in General Mohammad Nazzeri uu sheegay in Burcad badeeda Somalida ee ka hawgala gacanka cadmeed ay gacan weyn ka helaan dalalka Khaliijka.

“Burcad badeeda Soomaalidu waxa ay ahaayeen kaluumeysato fakhri ah waxase hawlgeliyay Shuyuukh ku kala nool Yemen,Sucuudiga iyo Imaraadka oo siiya hub iyo lacago ay ku hawlgalaan.sidaa waxa yiri General Mohammad Nazzeri.

General Mohammad Nazzeri iyo Wakaalada wararka ee dalka Iran midkoodna kama uu hadal sababta iyo faaidada dalalkan ugu jirta in ay gacan siiyaan burcada Soomaalida.

Mudo sanado ah ayaa ay jirtay hadal heynta gacanta ay burcadu ka hesho maal qabeeno shisheeye,lamase hayo ilaa iyo haatan cadeymo dhab ah oo arrintan ku saabsan.

Eeda Iran ayaa imaneysa xili warbixin ay dhawaan daabacday kooxda la socodka cunaqabateynta Soomaaliya oo lagu xusay in burcada madaxdoodu ay si weyn gacan uga hesho madaxda dawladaha federaalka iyo ta maamul goboleedka Puntland.

SDN-Tehran

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed