Uncategorized

Dawlada Japan oo kordhisay mudada ay wadeyso hawlgalada la dagaalanka Burcad badeeda

Tokiyo July 15,2012(SDN)-Dawlada Japan ayaa shaacisay in ay kordhisay mudada hawlgalada ladagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ee dawladaha caalamku ka wadaan badaha Soomaaliya dhawrkii sano ee u danbeeyay.

Dawlada Japan ayaa hadal ay baahisay waxa ay ku sheegtay in Burcadu ay weli khatar ku tahay maraakiibta ganacsi ee isaga goosha badaha geeska Afrika.

Mudo kordhintan ayaa ah tii sadexaad ee ay dawlada Japan ku sameyso hawlgalada ciidamadeedu ka wadaan badaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009kii.

Ciidamada Japan ayaa hawlagalada waxa ay u igmadeen laba markab oo kuwa dagaalka ah iyo laba duyuuradood oo sahmiya doomaha Burcadu u isticmaasho weerarada.

Ciidamada Japan ee hawlgalada ka wada badaha geeska Africa ayaa xarun ka sameystaya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Ciidamada Japan ayaa hawsha u weyn ee ay haatan qabtaan waxa ay tahay in ay galbiyaan maraakiibta ganacsiga ee mara aaga ay burcad badeedu ka qawleysato.

SDN-Tokiyo

contact@somalidiasporanews.com