Uncategorized

Xawaalada Dahabshiil ee Muqdisho oo Eedo iyo Weerar la isu Raaciyay

Muqdisho July 15,2012(SDN)-Xawaalada Dahabshiil ayaa xarun ay ku leedahay magaalada Muqdisho waxa weeraray koox dabley ah oo cida soo dirtay aan la garaneyn.

Xawaalada ayaa maalmihii u danbeeyay waxa eedo kala duwan u jeedinayay qaar ka mida madax dhaqameedka Muqdisho iyo Iddaacadaha caasimada.

Weerarka lagu qaaday Xarunta Dahabshiil uu ku leeyahay xaafada Wardhiigleey ee Muqdisho ayaa waxa ku geeriyooday ruux halka mid kalena waa lagu dhawacay.

Ruuxa geeriyoodey ayaa ka mid ahaa meliishaadka weeraray xawaalada,halka ka dhaawacmay uu ka mid ahaa ilaalada Dahabshiil.

Goobta ay xarunta Dahabshiil ku leedahay Wardhiigley ayaa waxa gaaray ciidamada dawlada oo baaraya cida weerarka ka danbeysay.

Dahabshiil ayaan ilaa iyo haatan ka hadal dhacdadan lagu weeraray xaruntooda iyo eedaha uga imanaya bulshada reer Muqdisho.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com