Uncategorized

Faransiiska oo noqday dalkii u horeeyay ee reer Yurub ee mucaaridka Syria aqoonsaday

Paris Nov 13,2012(SDN)-Dawlada dalka Faransiiska ayaa maanta noqotay dalkii u horeeyay ee reer Yurub u horseeda aqoonsiga mucaaridka Syria innay yihiin dawlada rasmiga ah ee dalkaas.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa goaankan gaaray maalin ka dib markii Jaamacada Carbtu ay shaacisay in ay ayideen dawlada Isbaheysiga Syria ayay kaga dhawaaqeen magaalada Dooxa.

“Waxaan maanta halkan uga dhawaaqayaa in dawlada Faransiisku ay u aqoonsatay Isbaheysiga mucaaridka Syria dawlada rasmiga ah ee metesha danaha dadka dalkaasi,waana ta fasaxeysa in la soo afjaro hogaankii Bashaar Al Asad”ayuu yiri Mr Francois Hollande.

Tani waxa ay sawir rasmi ah ka bixineysaa sida reer galbeedku ay haatan rajadoodu isugu biyo shubatay isbedel ay dhaliyaan mucaaridka dalkaasi.

Madaxweynaha Farance waxa uu sidoo kale sheegay in dawladiisu ka fiirsaneyso sidii ay hubeyn leheyd kooxaha mucaaridka.

Waana sababta mucaaridku reer galbeedka ay uga dalbanayeen aqoonsiga.

SDN-Paris

contact@somalidiasporanews.com