|

Dawladda Federaalka Soomaaliaya waxay ka tacsiyaynaysaa khasaarihii dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex

Muqdishu, November 30, 2013(SDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Ra'isal wasaaraha Somalia Saacid 2“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo ku baaqay in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.

Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex. Waxayna dhanka kale ka digaysaa.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed