|

Dawladda Itoobiya Oo Xabsiga Ka Siideysay Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalkaasi

Addis Ababa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka siidaysay hoggaamiyihii mucaaradka dalkaas Merera Gudina oo xidhnaa muddo ka badan Hal sano.

Saraakiisha xabsiyada Itoobiya ayaa qoyska Mereru u sheegay in xabsiga laga siidaayay Arbacadii Shalay, wuxuuna ku eedeysnaa in uu xidhiidh la leeyahay kooxo argagixiso ah.

Maalintii isniinta ayay dowladda Itoobiya shaacisay in ay xabsiga ka siidaynayso illaa 500 maxaabiis ah oo la tuhunsanaa.

Bishan horaanteedii ayay dowladdu sidoo kale sheegtay in ay la noqonayso dacwadaha loo heysto qaar ka mid ah dadka mucaaradka ah ee xabsiyada ku jira, oo ay ka midyihiin siyaasiyiin hore loo xukumay.

Muddo labo sano ah ayaa waxaa Itoobiya ka socday mudaaharaadyo ay samaynayaan shacabka oo ka cabanayay arrimo badan, iyaga oo codsanayay isbeddello.

Itoobiya weligeed waa ay diidi jirtay in ay jiraan maxaabiis u xidh-xidhan arrimo siyaasadeed.

Hoggaamiyaha la siidaayey ayaa ah Guddoomiye u ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Qoomiyadda Oromada, waxaana Xadhigga Siyaasiyiin uu ka mid yahay sababay Kacdoono Qoomiyadda Oromada iyo Axmaaradu ka wadeen gudaha Dalka Itoobiya, iyaga oo ka cabanayey inaan loo sinnayn khayraadka Dalka, Siyaasadda iyo Hoggaaminta Dalka, iyaga oo ah labada qoomiyadood ee ugu tirada badan Dadka ku nool Dalka Itoobiya

Comments are closed