|

Kulayl xad-dhaaf ah oo Dad ku laayey Dalka Shiinaha

KULAYBeijing:31-july-2013 (SDN)ugu Yaraan Illaa 10 ruux ayaa kulayl dartiis ugu geeriyootay dalka Shiinaha oo heer kulku uu  gaadhay heerkii ugu sareeyay  ee Abid la arko sida ay Xukuumaddda dalkaasi sheeegtay.

 

War ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Shiinah ayaa waxaa lagu sheegay in cimilada dalka Shiinaha ay aad u kululaatay bishan July isla markaana ay sababtay in dad u geeriyoodo.

Gobolo ay ka mid yihiin Anhui, Jiangsu, Hunan, Hubei, Shanghai iyo Chongqing ayaa ka mid ah gobolada ay dadka ku geeriyoodeen.

Cimilada dalka Shiinaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaadhay ugu yaraan 40 Digree waana markii ugu horeysay oo dalka Shiinaha laga dareemo kul noocaan oo kale ah muddo 140 sanno ah hadda laga joogo.

Dawladda waddankaasi ayaa bilowday inay Gurmad laxaad leh ka geysato masiibadan dabiiciga  ah ee dadkeeda haysata, waxana ay si aad ah dadka ugu qaybinaysaa agabka qaboojinta loo isticmaalo si dadku u helaan jawi ka naasilan kan ay  ku dhimanayaa.

 

Somalidiasporanews.com

Comments are closed