Uncategorized

Dawladdaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ka hadlay waqtiga uu bilaabmayo Soonka bisha Ramadaan

RIYADH July 8, 2013 (SDN/AFP)- Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa ka hadashay xilliga uu rasmi ahaan bilaabmayo Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sida lagu sheegay war saxaafadda loogu talogalay oo uu soosaaray golaha xukuumadda Boqortooyada, soona xiganaya masuuliyiinta Boqortooyada u qaabilsan arrimaha diinta, bisha barakaysan ee Ramadaan waxay bilaabmi doontaa Arbacadda soo socota, taasoo ay Salaasada beri oo keliyi inaga xigto.

Saudi Announces Wednesday First Day of RamadanCurashada bisha Ramadaam oo Allaah ku waajibiyay Muslimiintu inay soomaan, lagama arkin dalka Sucuudiga, sida warbixintu sheegtay. Waxayna intaa raacisay in la soomi doono 10, July 2013, siday sheegtay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.

Dalal kale oo Carbeed, sida Jordan, Kuwait, Qatar iyo Yemen, ayaa sidoo kale sheegay in bilawga Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan ee sannadka 1434 Hijriya uu bilaabmayo Arbacadda todobaadkan.

Hase yeeshee, war qoraal ah oo uu soosaaray Imaaraadka Carabtu, waxay dawladda UAE ku sheegtay inay u badan tahay in Arbacaddu noqoto bilawga soonka Ramadaan.

Qurbejoog.com, Riyaad