Uncategorized

Wasiirka Awqaafta oo Cadeeyay in Habeen danbe ay Ramadaan Kow Noqonayso

Hargaysa 08.July (SDN) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C.laahi Axmed ayaa Shaaciyay inaanay Caawa Ramadaan ahayn maadaama aan la arag bishii.

Wasiirka oo Caawa u waramayay Warbaahinta waxa uu Sheegay inaan la arag bilashada bisha ramadaan isla markaana aan laga soo sheegin dalalka aynu isku Madlaca nahay Sidaa darteed waxa uu Wasiirku Xusay in la dhamaystirayo Sodonka Bisha Shacbaan oo beri ku buuxsamaya isagoo intaas ku daray in Maalinta Arbacada ay Ramadaan Kow Tahay.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somaliland inay ka faa’iidaystaan bisha ramadaan isla markaana ay Khayr iyo Acmaal Wanaagsan la Yimaadaan.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta  Sh.Khaliil C.laahi Axmed waxa uu uga digay dadka kariya Cuntooyinka Maalin-nimada ay dadku sooman yihiin in laga qaadi doono talaabooyin adag .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com