|

Dekada Muqdisho Oo Markii Saddexaad Maanta Xoolo Laga Dhoofiyay

Muqdisho March 31 2013 (SDN)— Muddo 22-sano kadib ah waxaa markii saddexaad Dekada Magaalada Muqdisho laga dhoofiyay xoolo loo dhoofinayo dalka dibadiisa oo ganacsato Soomaali ah ay u iibgeynayaan qaar kamid ah dalalka carabta gaar ahaan dalka Oman oo markii labaad ay unoqoneyso xoolo laga dhoofiyo dekada Muqdisho oo lagaarsiiyo dalkaasi.

Tirada xoolaha maanta la dhoofiyay ayaa gaaraya 804 neef oo dhamaantoodna wada ah xoolaha loo layaqaano lo’da oo markab loogu talo galay dhoofinta xoolaha nool looga qaaday dekada Muqdisho si uu ugaarsiiyo dalka Oman.

Guddoomiyaha Shirkada Somali Livestock oo ah shirkada dhoofinayso xoolaha C/rashiid Cabdi Cabdulaahi ayaa si kooban u sheegay inay ku faraxsan yihiin xoolo nool oo markii saddexaad ay ka dhoofinayaan dekada Muqdisho,isaga oo xusay inay siiwadi doonaan dhoofinta xoolaha oo kor uqaadaya sida uu sheegay ganacsiga Soomaaliya.

Garaad Maxamed Sheekh Maxamuud oo isna kamid ah masuuliyiinta shirkada xoolaha dhoofisay ayaa halkaasi ka shegay inay jirto khibrad yari ka haysatay dhoofinta dhanka xoolaha marka loo eego shaqaalaha daabulaye,balse wuxuu sheegay in hadii sida loogu talo galay looga faa’iideesto dhoofinta xoolaha waxbadan ay soo kordhin karto.

Xoolaha nool ee dalka laga dhoofiyo ayaa horay looga dhoofin jiray dekada Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso halka dekada Muqdisho ay saameyn ku yeesheen dagaaladii Soomaaliya hoos udhigay muddo 22-sano kadib laakiin iminka ay ka gudubtay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed