|

Duqeyntii Laascaanood oo halkeedii ka sii socota

Laascaanood April 29, 2023 (QJ) -Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xaafado ka tirsan magaaladaas, kuwaas oo argagax ku abuuray dadka shacabka ah, isla markaana khasaare gaadhsiiyey guryahoodii.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda, sababo la xiriira rasaasta xooggan iyo qaraxyada.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka ka dhashay weeraradii lagu qaaday guryo ay degan yihiin ciidamada Somaliland, kuwaas oo ka soo horjeeda Goojacadde.

Warar rasmi ah oo soo baxaya ayaan weli xaqiijin tirada dhimashada, balse waxaa la rumeysan yahay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen ama ku dhinteen iska horimaadkaasi.

Ugu yaraan saddex bilood ayaa waxaa magaalada Laascaanood ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC-KHAATUMO.

Colaadda ayaa galaaftay nolosha ilaa 500 oo qof. Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa maamulka Somaliland ku dhaleeceysay weerarrada ay ku qaadayaan guryaha iyo goobaha ay dadka rayidka ah isugu yimaadaan, sida isbitaallada iyo masaajidda, waxayna ku baaqday in la joojiyo rabshadaha.

Comments are closed