Munich Oct 27,2013(SDN)-Jariirad ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa daabacday in sirdoonka Mareykanku dhegeysanayeen telephoonka haweeneyda Hogaamisa dalkaas ee Angela Merkel mudo dhawr iyo toban sanadood ah.
Der Spiegel ayaa daabacday in ay heyso documintiyo cadeynaya in Mareykanku Telephone-ka Merkel dhegeysanayay intii ka danbeysay 2002dii.
Jariiradu waxa ay sheegtay in aaney cadeyn sababta loo asaasay Telephone-ka gacanta ee Merkel,in la duubayay iyo in la qiimeynayay dadka ay la xiriirto.
Jarmalka ayaa todobaadka ina haya u direysa Mareykanka Sirdoonkooda si ay baaritaan ugu sameeyaan NSA-da Mareykanka oo ah hey’ada dhegeysiga Merkel lagu eedeeyay.
Angela Merkal oo ku dhalatay Bariga Jarmalka ayaa aad uga carootay in Mareykanku u dhaqmo sidii dalkii ay ku kortay ee Bariga Jarmalka oo basaasida caan ku ahaa.
SDN-Munich
contact@somalidiasporanews.com
