Hargaysa 12.Aug (SDN) Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa maanta Sheegay in darajo bixinta Ciidamadu ay tahay Haybada Qaranimada laga dheehdo .
Taliyaha Ciidanka Asluubtu waxa uu hambalyo u diray Madaxweyne Siilaanyo oo ka dhabeeyay balanqaadkii xiligii uu ku Jiray Ololaha doorashada Madaxtooyada,Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland waxa kale oo uu u mahad celiyay gudidii heer qaran ee qiimaynta darajooyinka ciidammadda dalka oo uu xusay in ALLE ku guulleeyay ka midho dhalinta derajooyinka ciidammadda.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
