|

Dhaawac Miino oo Dhaawac soo Gaadhsiiyey ku Xigeenka Maayarka Gaalkacayo

Gaalkacayo 31.Dec 2013 (SDN)- Ku-xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo Cabdi Cismaan Faarax ayaa maanta ku dhaawacmay qarax miino oo lagu aasay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Garsoor.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Axmed Cali Salaad ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay isku dayga dil ee lala damacsanaa ku xigeenkiisa.

Wuxuu tilmaamay in ciidanku ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay falkaas.

Dhaawaca Cabdi Cismaan Faarax aya la sheegay inuu yahay mid fudud, isagoo la geeyay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed