|

Dhaawaca Ciidamada Somaliland ee ku godoonsan Goojacade oo halis soo wejahday

Laascaanood March 28, 2023 (QJ)- Sida ay ku soo waramayaan ilo wareedyo ku sugan aaga Goojacade ee xarunta u ah ciidamada Somaliland ayaa la soo sheegay in ay halkaa ku godoonsan yihiin maalmihii u danbeeyay.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen duulaanka kooxaha SSC ee weerarka joogtada ah ku haya, balse aaney halkaa dhana uga bixi kareyn.

Ciidanka qaar ka mid ah oo ay ku jiraan saraakiil oo la sheegay inay ku dhwaacmeen dagaaladii u danbaayay ayaa la sheegay in ay ku godoonsan yihiin, halka qaar ka mid ahina ay dhaawacii u geeriyoodeen.

Isku deyo ay sameeyeen ciidamada ayaa la sheegay in ay u soortoobi weyday in halkaa ay ka saaraan ciidanka dhaawacan oo hada u dhimanaya adeeg caafimaad la’aan.

Waxaana ilo wareedyadu sheegayaan in ciidamada Somaliland haatan qaateen goaan kama danbeys ah oo ama ay wado ku furanyaan ama godoonkaa joogtada ah ku jiraan.

Ciidamada SSC oo ay u suurtoobi weydey qabsashada xerada Goojacade ayaa haatan qaatay goaanka godoominta ah, mana cada inta ciidamada Somaliland xaaladaa ku sii jiri karaan.

Comments are closed