|

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Laba Beelood ku Dhex maray Dararweyne ee Gobolka Sanaag

Hargaysa 20. July 2017 (SDN/QJ):- Dagaal ayaa Maanta deegaanka Dararweyne oo ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo daba socday Dagaallo dhowr jeer oo hore halkaa ku dhex maray laba Beelood oo Walaalo ah oo wada dega deegaanka Dararweyne, ayaa waxa ku Geeriyooday Hal Qof oo Rag ah, waxaana ku dhaawacmay laba kale.

Taliyaha Ciidammada Aagga bari ee Somaliland ee Muuse Jaamac oo Telefiishanka Eryal waydiiyey khasaaraha ka dhashay dagaalka labada Maleeshiyo-beeleed ku dhex maray deegaanka Dararweyne, ayaa ku jawaabay “Nin wuu dhintay, laba Nina waa dhaawac” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Ciidammada Qaranku kala dhex galeen Maleeshiyaadka dagaalamay “Meeshii imika waa Nabadgalyo oo Ciidanka ayaa ku kala dhex jira.”

Taliyaha oo la waydiiyey waxa sababay Dagaalka ayaa sheegay inuu ka dhashay Dil ka dhacay deegaanka, “Waa Aanadii hore oo dib loo soo cusboonaysiiyey, waxaana la yidhi Nin baa dilay Nin (markaas ayuu Dagaalku bilaabmay)..” ayuu yidhi.

Labada Beelood ayaa dhowr jeer oo hore dagaal dhex maray, ayaa waxay Xukuumadda Somaliland kala dhex dhigtay Heshiis Nabadeed, Heshiiskaasi oo ay qayb ka ahayd in la baa’biiyo tuulo halka ay ku taallay ay labada beelood mid sheeganayeen, taasi oo Xukuumaddu fulisay isla-markaana baa’biisay, si heshiisku u dhaqan-gelo, laakiin Dagaalkan soo laba-kacleeyay ayaa muujinaya in labada Beelood ee Walaalaha ahi aanay daacad ka ahayd Heshiiskaasi.

Comments are closed