|

Dooda Maamuus ka Xayuubinta Ra’isal Wasaare Saacid oo Axada Beri loo Balamay

Muqdisho 30.Nov 2013 (SDN)- Baarlamaanka federaalka ayaa maanta yeeshay kulan looga doodayay mooshin ka dhan ah raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon.

Muqdisho 30.Nov 2013 (SDN)- Afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay in doodda mooshinka ay si rasmi ah u furmi doonto maalinta berri oo Axad ah.

Baarlamanka SomaliaKulankii maanta waxaa goob-joog ahaa 248 xildhibaan oo isugu jiray kuwa taageersan mooshinka iyo kuwa ka soo hor-jeeda.

Baarlamaanka ayaa la hor dhigay liis ay ku qoran yihiin magacyada xildhibaannada soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado raysul wasaare Shirdoon.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in codka kalsoonida loo qaado raysul wasaaraha.

Cod-qaadista ayaa noqon doonta gacan-taag sida uu kulanka ka sheegay afhayeenka baarlamaanka.

Raysul wasaare Shirdoon ayaa ku gacan-seyray dalab ugaga yimid madaxweynaha oo ahaa inuu xilka iska casilo, wuxuuna ku baaqay in baarlamaanka uu xalliyo khilaafka u dhaxeeya asaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed