|

Madaxweynaha Somalia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay danjiraha Somalia u qaabilsan dalka Nigeria

Muqdisho 30.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Nigeria u qaabilsan Soomaaliya.

Akin-Oyateru-300x199Danjire Akin Oyateru oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan dalkiisa ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wareejiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha Nigeria, Jonathon Goodluck, oo ku casuumay madaxweynaha Soomaaliya inuu booqasho rasmi ah ku tago dalkaas horraanta sanadka soo socda.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay kulanka uu danjiraha la qaatay ayaa ammaanay kaalinta xukuumadda Nigeria ee AMISOM iyo dadaallada ballaaran ee nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulanka uu la qaatay safiirka waxaa ku wehliyay raysul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed