Uncategorized

Doonyo Yamaniyiin Ah Oo Dhib Ku Haya Xeebaha,Iyo Wasiirka Kalluumaysiga oo ka Hadlay

Hargeysa, 21 Jan 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa sheegay inay jiraan Kaluumaysato Yamaniyiin ah oo dhibaato ku haya Xeebaha Somaliland. Waxa uu sheegay inay doonyo badan oo sharci daro ah qabteen sidoo kalena xattaa kuwa sharciga haysta dhimi doonaan si Bulshada Somaliland fursad ugu hesho ka faa’iidaysiga Kaluunka“Doonyaha Yamantu si Aan sharci ahayn iyo si sharci ahba way ku yimadaan,waxaana Badan inta Aan sharciga ku joogin,Runtii marar badan ayaanu ka wada hadalnay wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha sidii wax looga qaban lahaa,Doonyo badan waanu soo qabanay kuwii sharciga lahaa waanu siidayna kuwii kalena waanu haynaa,Laakiin waxaas maaha wali wax ku filan.” Ayuu yidhi Wasiirka oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta.

BUREEDWasiirku waxa uu sheegay inay jirto Caqabad ay kala kulmayaan Bulshada Somaliland marka ay qabanayaan Kaluumaysatada sharci darada ah “waanu u kuur galnay xaaladda Kaluumaystadu ku sugan yihiin waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu Macaa kuwii sharciga lahaa Raacino oo aanay iyaguna badda soo gali Karin,mushkiladda ugu wayni waxa weeyaan dadkii daganaa Xeebaha saylacna  waxay aaminsan yihiin Hadaanay Yamaniyiintu u imanayn iyaguna inaanay badda galayn,waxaana ay leeyihiin hadaad iyaga badda ka saartaan annaguna waanu baxaynaa mushkiladaas ayaa na haysata.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay safar uu dhawaan kaga soo laabtay Dalka Jabuuti “wax yaabihii ugu Mihiimsanaa ee aanu dawlada jabuuti ka wada hadalnay waxa ugu muhiimsanaa Sidii Aanu Dhinac kaluunka isaga Kaashan lahayn,haday Noqoto Xaq aqoneed iyo ilaalinta Bada,Waxaana jira Heshiis ay Labada dawladood ee somaliland iyo jabuuti ay wada gadheen oo ku salaysnaa Xaga Kaluunka,aniguna waxaanu soo wada saxeexanay heshiis aanu soo gaadhnay Labada wasaaradood ee kaluumaysiga,macnihiisa ugu waynina waxa uu ahaa sidii la iskaga kaashan lahaa dhinaca kaluunka Madaama oo uu suuqa ugu wayni yahay dalka jabuuti” ayuu yidhi Wasiir Buureed.