|

Doorada Baarlamaanka Jabuuti oo la qaadacay

Djibouti Feb 24, 2023 (QJ) – Shacabka Jabuuti ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta doorashada baarlamaanka dalkaas oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ah ee dalkaas.

Xisbiga talada haya ee UMP oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah xisbiga kaliya ee ugu weyn ee ku tartamaya doorashada, waxaana la filayaa inuu ku guuleysto. Ku dhawaad 230,000 oo codbixiyeyaal ah ayaa dooran doona 65 xubnood oo baarlamaanka ah muddo shan sano ah, iyadoo qoondada 25 boqolkiiba loo qoondeeyay haweenka.

Sida laga soo xigtay warbixinta maxalliga ah, tirada codbixiyeyaashu waa yar tahay. Doorashadan ayaa daba socota doorashadii madaxtinimo ee la qabtay bishii April 2021, taasoo uu madaxweyne Geelle ku guulaystay 97 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, wuxuuna xaqiijiyay markii shanaad ee doorashada. Labada xisbi mucaarid (MRD) iyo (ARD) ayaan ka qayb galin doorashada.

Comments are closed