|

Tirakoobka dadka ku dhintay Laascaanood oo la shaaciyay

Laascaanood Feb 24, 2023 (QJ) – Dagaalo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa sababay dhimashada in ka badan 96 qof, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Laascaanood.

Axmed Maxamed Xasan oo ah madaxa isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhaawacyada in ka badan 560 qof oo qaar badan oo ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Khasaaraha ugu badan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay duqeymo culus oo ciidamada Somaliland ay ku garaaceen xaafado ka tirsan magaalada.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay ku nool yihiin ku dhawaad 190,000 oo qof.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Madax dhaqameedka ugu waaweyn gobolka ayaa horay u sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu intaasi ka badan karo maadaama ay jiraan dad badan oo aan ilaa hadda la ogeyn halka ay ku sugan yihiin oo ka soo jeeda deegaanada ku xeeran oo ay shaqaaqadu ka dhacday.

Comments are closed