|

Mareykanka oo ku adkeystay joojinta dagaalka Laascaano

Hargeysa Feb 24, 2023 (QJ) Wafdi ka socda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo uu hoggaaminayo Siihayaha Safaaradda Tim Trenkle ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa.

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Tim Trenkle, ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa colaadaasi iyo gurmad loo fidin lahaa dadka ku dhibaateysan magaalada Laascaanood.

Dawladda Maraykanka ayaa marar badan ku cel-celisay in si nabad ah lagu dhammeeyo colaadda, sidoo kale Somaliland ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay xallinta colaadda, isla markaana ay ku hawlan tahay sidii loo joojin lahaa colaadda.

Sida ay sheegtay hay’adda bisha cas, 150 qof ayaa ku dhintay 600 oo kalena way ku dhaawacmeen colaadda Laascaanood, iyadoo kumannaan qof ay ka barakaceen guryahooda.

Arrin kale oo la sheegay in labada mas’uul ay ka wadahadleen kulanka Mareykanka iyo Somaliland ayaa ah doorashada soo socota ee Somaliland, taasoo aan weli la isku afgaran.

Waxa kale oo la filayaa in weftiga Maraykanku ay la kulmi doonaan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland iyo dhinacyada kale ee siyaasadda daneeya.

Comments are closed