|

‘’Doorashadu Xanaf ayay Leedaha oo Annaguba Waanu Soo Marnay Sababtuna Wax Kale Ma ahee Waa Saddexda Nin ,Laakiin Madaxweyne Maadaama aad Xilka Ka Degayso Isu Soo Dhawee Xubnaha Is Haya’’ Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin DAAWO

Hargaysa 22. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa   baaq u diray madaxweynaha iyo shacabka.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu soo jeediyey in murashaxiinta xisbiyada loo sameeyo madal ay si furan ugu tartami karaan, waxaanu shacabka ugu baaqay inay si bilaa turxaan ah u kala doortaan murashaxiinta tartamaya.

Ugu horayn Axmed Yuusuf Yaasiin oo fariin u diraya madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay madaxweynaha maadaama oo aad xilkii ka dagayso isku soo dhawee xubnahan is haya ee tartamaya oo hala galo saaxad aan lagu murmin oo adigana natiijo fiican oo mustaqbal leh kaaga tagta, haddii saaxadaas aad kaga tagto inay noqoto mid banaan oo lagu tartamo waxaad noqonaysaa qof taariikhdu qorto, xisbiyadana isku soo dhawee oo hays afgartaan saaxad fiicana haku tartamaan.”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Saab TV.

Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ugu baaqay shacabka somaliland inay si bilaa turxaan ah u codeeyaan waxaanu yidhi “Shacabka waxaan leeyahay rag ayaa tartamaya oo kursi ayaa lagu tartamayaa, dadkuna dalka way wada leeyihiin dhib iyo dheefba, kursigana hal qof ayaa fuuli doona oo laba qof fuuli maayaan, doorashadu xanaf ayey leedahay oo lays hirdiyayaa  wax kalana maaha waa sadex nin oo wax doonaya oo waanu soo marnay laakiin saaxadu hadhow caadi ayey ku soo noqonaysaa,  qabyaalad iyo ficiltan looma baahna qof walibana halka uu doonayo ha  ugu rido isaga oo sharaf mudan cidna aan ceebanayn.”

Sidoo kale waxa uu fariin u diray xisbiyada somaliland waxaanu mar kale yidhi “ xisbiyada waxaan leeyahay is afgarad iyo garoon xaadhan ku tartama oo aan qodxo lahayn, waliba waxa loo marti yahay garoonka Kulmiye waana inuu garoonkiisa ka dhigaa mid xasiloon oo aan dhib lahayn oo inta lagu tartamo dabadeedna laga tago.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu soo jeediyey in la xooleeyo dadkii ay abaartu saamaysay “Shacab iyo dawladba iyo cid walba waxaan leeyahay xoolaheenu waxay ahaayeen laf dhabarta dhaqaalaha dalkeena, dadkii xooluhu ka baxeen waa in la siiyaa shini dambe oo lagu beerayo in xoolaheenii dib u soo noqdaan, ramadaana waxa la bixinayaa sakadii nina yaanu odhan  tolkayga hoose ayaan siinayaa laakiin maanta umadii oo dhan ayaa u baahan, waxaanan leeyahay meel ha layskugu geeyo oo dadka hala xooleeyo.”

Ugu dambayn waxa uu shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibada 18-ka May “Shacabka Somaliland meel kasta oo ay jogaan yar iyo weyn, madaxweyne ilaa ka u hooseeya waan hambalyeynayaa waxaanan leeyahay 26 sanadood ayeynu soo dhabar adaygaynay waxbana may hadhin ee hala adkaysto, sababtoo ah lixdankii tii hawsha yarayd ee layna siiyey ee aanu dhiig ku daadan ee aanay dhibi ina gaadhin ayeynu shan cisho ku wareejinay.”

 

Comments are closed