Uncategorized

DOWLADA SOMALILAND KAMAY QAADAN DOORKII AY KU LAHAYD DHALINYARADA TAHRIIBTA KU IDLAATAY+ FAALO WARIYAHA TANSANIA

(KamapalaSDN)  Markahore waxaan salamayaa dad weynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxa aan mar labaad uu mahad naqaya bahweynta somalidiasporanews oo ah shabakad caalamiga  ah oo iksu xidha shacabka somalailand meel kasto joogan aadna anu jamano hadabo akhristayashayad waxaanu leenahy hanaga durkina .

Salan kadiba waxaan dhaliil u soo deejinayaa dowlada Somaliland khastan masuuliyiinta sare

Sare ee xukumada talada dalka haysa , taas oo ay iga muuqato dayacaad badan iyo in

Ay ka gaabisay waajibaad badan oo ay ku lahayd geedi socodka iyo xakamaynta bahweynta

Dhalinyarada s/land ee bada ku dhamatay.

Hadaba aniga ka fikir ahaan waxaan qabaa in ayna jirin cid masuul ah ama ka tiran xumakada Somaliland oo ka qadatay doorkii ku aadana xakamaynta tahriibta islamarkaana ka wacyyi galisay halista ay leedahay tahriibtu , iyaddoo dhalin yarada lagu gubabinayo in loo samayo qaab nololed Cusub oo ku wajihan noloshadood,

Xukumada talada dalka haysa waxa ay ku guuladareystay ama ayna xili toos ah iska saarin,

Kaalinta ugu mihiimsan ee ku aadan dhalinyarada iyada oo aan u samayn wax qorsha ah

Oo ay raacdo dhalinyarda s/land

Hadaba qorshahan dhalinyarada Somaliland ee ah tahriibka ayaa mudo badan soo jiitamayay

Iyadoo imika mudadii ugu danbeysay ee uu xilka hayay madax weyne siilaanyo gaadhay

Heer aan wali soo marin wadanka , taasina ay ka tarjumayso wacyiga cusub ee ay gashay dhalinyarada iyo waxqabad la,aanta baahsan ee ka jirta xukumada s/land.

Iyo waliba iyadoo u muqata in ay sii xumaadeen adeegyada bulshada , sida shaqada , biyaha , caafimadka. Waxbarashada, iwm

hadaba dhinaca kale marka aynu eegno xukumada Somaliland oo ahayd mid doorashadii ku gashay waxyabo badan oo ilaa imika ay dhalinyaradu ka weyday xukumada ayaa waxay u muuqatay mid dorashada oo kaliya ku eekayd laguna kasbanayay codka oo kaliya

hadaba sida aynu wada ognahay dhalinyaradu waa doorka ugu mihimsan ee ay umadu leehayahay islamarkaana waa aqoonta iyo caqliga cusub ee mustaqabalka in ala dhowro oo laga warayaa waa arin mihiim ah , lana siyo doorka ay ku leeyihiin kobcinta horumarka iyo dhaqalaha wadanka.

hadaba anigu kifir ahaan waxaan qabaa wali dhalinyaradu may helin dad u bisil wacyigalinta oo wax u sheegata islarmarkaana u balan qada oo tusa wax muuqda oo macquul ah

dhalinyarada Somaliland ayaa ah mid ay kaliftay ama u muuqata in ay raadsanayaan nolol dhaanta tan ay kala kulmeen xukumada talada haysa mr siilaanyo iyo asxaabtiisss

dhalinyarada oo intooda badan ayaa is tustay hadii ay wadanka ka tagaan inay heli donaan wax yaabo badan oo aaas aasi ah waxayna ka haajireen wadanka ,

waxyaabaha ugu badan ee ay dhalinyaradu ka haajirtay ayaa ah sida shaqo la,aan, cadalad daro, dhaqaale xumo, iyo rajo xumida uga muqata mustaqablka, ayaa waxay dhalin badan oo reer Somaliland ah u hor seeday inay ka haajiraan wadanka iyaga oo naftood u huray dhibaato badan oo ka sokeysa meesha ay u haajirayaan taasi oo sababtay in ay u dhintaan qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada somalialnd qaarkalana ilaa imika ay nolosha inteed badan ku qaateen jeelalka aduunka .

GUNTII IYO GAGABADII aniga oo ka mid ah dhalinyarada jumuriyada Somaliland ayaa waxaan donayaa inan guubaabo iyo talo aan u soo jeediyo dhalinyarada Somaliland, hadii aynu nahay dhalinyarad Somaliland xaqiiqdii waxaa jira carqalado badan oo sababay in ay dhalinyaradu ka haajirto wadanka. Lakin waxaan idin leyahay taas yey noqon mid idin horseeda in aad ka haajirtaan wadankii hooyo.

Hadaba hadii aynu nahay dhalinyarada s/land waxaa ilana gudboon in aynu isku dayno samir iyo adkaysi iyo inaynu isku dayno inaynu lafteenu abuuro ganacsiyo yar yar oo aynu ku mareyno nolol maalmeedkena. Mah mah somaliyeed ayaa waxay tidhahdaa ( kolba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa)

Wax kaliya ee inaga joojin karaa waxaa weyaan inaga oo si qoto dheer u ogana xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta yurub. Hadii aad ogaato dhibka iyo dhaqale xumida yurub

Waxay sahleysaa inaynu si dhibyar dawo ugu helno xanuunka tahriibta oo noqoday xununka dhalinyarada maanta curyamiyay.

Hadaba waxaan ku soo koobayaa inay balan teenu noqoto wax abuurid iyo kalisoonida wadanka oo aynu xoojino islamarkaan u arko fursada weyn joogida wadanka hooyo,

 

 

Weerar_055@hotmai.com

Wa Bilahi towfiiq,

 

BY AHMED WEERAR FROM DARESALAAM, TANZANIA