|

Dowladda Sacuudi Carabiya oo Soomaaliya u balan qaaday 24 milyan oo dolarka Maraykanaka ah

Muqdisho May 31 2013 (SDN)— Boqortooyada Sucuudi Carabiiya ayaa Soomaaliya maanta u balanqaaday in ay siin doonto dhaqaale gargaar oo gaaraya 20 milyan oo dolarka taasi oo wax looga qabanayo dhibaatada ka jirta dalkan.

Dhaqalahan ayaa lagu fulin doonaan mashruucyo badan waxa dhaqaalahan wax ka bixiyay Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), Kaasi oo gacan weyn ka geysanaya sidii Soomaaliya dib ugu hanan laheyd heykalkeedii dowladnimo.

Mashruucyada dhaqaalahan lagu bixin doona ayaa laga fulin doonaan dhamaan gobolada dalka waxaa qeybaha lafilayo in wax looga qabto ka mid ah wabarashada, caafimaadka, beeraha iyo arrimo kale sida qorshuhu yahay.

Ku dhawaad 500,000 oo ruux ayaa la sheegay in ay ka faa’ideysanayaan gargaarkan lacageed ee ay bixineyso dowlada Sacuudiga, waxaana gargaarkan wajigiisa koowaad laga fulinayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dhanka kale dowladda Sucuudiga ayaa tilmaamtay in ay sii laba jibaareyso taageerida dowladda Soomaaliya ee hada dalka ka jirta.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed