|

Shirkii gaarka ahaa ee looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay Japan

Yokahama May 31, 2013 (SDN)— Shir gaar ah oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo gaar ahaa ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Yokahama ee dalka Japan.

Shirkan oo ahaa mid gaar ah oo ka horeeyay shirka hormarinta Afrika ee ka furmidoona Japan ayaa waxaa ka qeybgalay Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon, Madaxweynaha Dalka Tanzaniya  Jakaye Kikwete , Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku Xigeenka Kenya William Ruto.

Soomaaliya waxaa matalayay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasi oo dhawaan gaaray halkaasi.

Arrimaha xasaasiga ah ee shirkan gaarka ah looga hadlayay ayaa ahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo 22-sano ah burbursanaa, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka hadlay uu sheegay in Soomaaliya ay hada saarantahay oo ay mareyso wadadii dowladnimada iyo nabada islamarkaana ay u baahantahay taageerada Aduunyada.

Shinzu Abe Ra’iisul wasaaraha dalka Japan oo saakay la kulamay Madaxweynaha islamarkaana ka hadlay shirkan gaarka ah ayaa sheegay in dowladiisu ay ka go’antahay taageerida dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanyadii ka qeybgalay shirkaasi oo ay ku jireen shirkada iyo ganacsato Japan ah ayaa waxaa Xukuumada Tokyo loogu baaqay in ay taageerto dowladda Soomaaliyeed ee hada dalka ka jirta.

SDN-Yokahama

Comments are closed