Uncategorized

Dowladda Turkiga Oo marti galineysa Shir Labaad oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Ankara April 07 2013 (SDN)– Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga oo la yiraahdo Turkishpress.com,dowlada Turkiga ayaa qaban qaabineysa shirkii labaad oo xal loogu raadinayo Xaaladaha ka taagan wadamo Badan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Shirka ayaa waxaa shaaciyay wasiirka arimaha Dibada Turkiga Ahmet Davutoglu,isagoona sheegay in Kulanka uu bilaaban doono April 11,wuxuuna soconaya ilaa iyo 12-ka.

Wasiirka arimaha Dibada Turkiga ayaa carabka ku dhuftay in shirka intiisa badan looga hadli doono sidii Soomaaliya oo ka mid ah wadamada dhibaatada ay ka jirto sidii xal loogu raadin lahaa.

Waxaana kulanka martigilinaya dowlada Turkiga,isagoona ka dhici doona Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Wasiirka arimaha dibada Turkiga Davutoglu ayaa si hor dhac ah u sheegay in xukuumada Turkiga ay ku dadaali doonto sidii Soomaaliya ay qeyb kaga noqon lahayd wadamada horumaray,islamarkaana looga dareemi lahaa xasilooni iyo Deganaasho.

Kulanka ayaa waxaa hadal ka jeedin doona wasiirada arimaha dibada dalalka,Turkiga Ahmet Davutoglu,Finland Erkki Tuomioja,iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

SDN-Ankara