Uncategorized

“Dowladdeydu waxa ay diyaar u tahay inay qaadato mas’uuliyad weyn marka laga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya” Ra’isal Wasaare Saacid

Muqdisho 28.October 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa furay shir ku saabsan horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee looga hadlo dhaqan-gelinta Heshiiska Cusub (New Deal) ee uu qabanqaabiyay Midowga Yurub.

Shirka waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka kala socday xafiiska madaxweynaha, baarlamaanka, wasiirro, xubno ka socday bulshada caalamka, bulshada rayidka ah iyo xubno ka socday gobollada dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Shirdoon-New-Deal-300x199Shirkan ayaa ah mid dowladda Soomaaliya iyo Bulshada Caalamku ay isku waafaqeen dhisidda guddi ururiya xogaha iyo diyaarinta istiraatiijiyad lagu hormarinayo dib u dhiska Soomaaliya, taas oo fulinteeda loo marayo heshiiskii The New Deal, iyadoo ahmiyadda la siinayo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo isku xirka mucaawanooyinka la siinayo Soomaaliya.

Raysul wasaare Shirdoon ayaa ku tilmaamay shirkan inuu leeyahay muhiimad gaar ah taas oo ah xaqiijinta mirihii ka soo baxay shirkii Brussels loogu qabtay Soomaaliya bartamihii September ee sanadkan.

“Dowladdeydu waxa ay diyaar u tahay inay qaadato mas’uuliyad weyn marka laga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, shirkan waxa uu ka mid yahay tallaabooyinkii ugu horreeyey ee lagu xaqiijinayo ka dhabaynta riyadii The New Deal ee ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba isagoo dukumenti dhammaystiran ah hor dhigeen shirkii Brussels,” ayuu raaciyay Shirdoon.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com