Montreal Oct 28,20139SDN)-Garoonka Duyuuradaha ee Magaalada Montreal ee dalka Canada ayaa gebi ahaanba hawlihii ka socday la hakiyay ka dib kolkii laga warhelay nin sita waxaha qarxa oo damacsanaa in uu Mareykanka u dhoofo.
Ciidamada baara rakaabka oo arkay walxaha qarxa ayaa u yeeray Booliska magaalada Montreal oo baaritaankiina la wareegay.
Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaan ku sameeyay aqalkii uu ninkan sitay walxaha qarxaahi degenaa iyada oo jaarkiisiina intii baaritaanku socday aaga laga kexeeyay.
Ciidamad ayaa sidoo kale waxa ay haatan baarayaan muuqaalo la duubay oo ay ka baarayaan in ay jiro cid ninkan gacan siitay.
Ma cada lamana shaacin cida uu ninka la qabtay yahay iyo da’adiisa toona,waxaan sidoo kale la shaacin nooca walxaha qarxa ee lagu qabtay.
SDN-Montreal
contact@somalidiasporanews.com
