Hargeysa Oct 10,2012(SDN/Hubaal)-Gudida Olypikada iyo Xidhiidhka Kubada Kolayga ayaa maanta soo saaray shir jaraa’id oo ay kaga hadleen qodobo dhowr ah oo ku saabsan go’aankii wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyarah Mudane Cali Siciid Raygal uu 17 bishii hore ku sheegay inuu kala diray xidhiidhada dalka islamar ahaantaana ay ka hawl galaan wasaarada ciyaraha, taasi oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn shuruucda iyo dastuurka dalka iyo waliba dastuurka gudida calamiga ah ee Olypikada iyo xidhiidhada kuwaasoo dhamaantood si cad u qeexaya sharciyada qanuuniga ah ee ay yeelanayaan xidhiidhada dal leeyahay.
Waxaa kale oo ay wasiirka ugu baaqeen inuu kafogaado kooxaysiga, go’anada dhalin kara kacdoon ka dhan ah xukuumada iyo khilaaf hor leh oo kasoo cusboonaada mar labaad wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha oo mudo 4 bilood ah daganayd.
Waxaa kale oo ay siwayn uga soo hor jeesteen qodobada uu wasiirku u adeegsaday go’aankiisa, kuwaasi oo ay kutilmaameen qaar xaqiiqada iyo waaqica dalka kafog, gaar ahaan aqoonsiga iyo xidhiidhka ay la leeyihiin ururada ciyaraha ee calamiga ah, iyadoo ay xuseen in xidhiidhadu ay kaqayb galeen tartamo caalami ah isla sanadkan oo ay kamid ahaayeen Tartankii Kampala ee Kubada Kolayga, tartankii Djibouti ee Orodada.
Warsaxafadeedka oo ku saxeexnaayeen Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Mohamoud Hassan Abdilahi iyo Xoghaya Olypikada Khalid X. Abdi Aden wuxuu u dhignaa sidan:
‘Xidhiidhka Kubada Kolayga iyo Gudida Olypikadu kadib wada tashi ay layeesheen kooxaha, wax garadka ciyaraha, iyo waliba markii ay qiimeeyeen lana kulmeen wasiirka ciyaraha iyo agaasimaha guud, waxay ku qanceen in wasiirka iyo agasimuhu ay ku adkaysanayaan go’aan baal marsan sunihii ciyaraha wadanka ee mudada dhowr iyo tobanka sanadood lagusoo waday ciyaraha kuwasoo lahaa haykalka ciyareed ee qarankasta oo aduunka ka jraaba leeyahay oo ah wasarad ciyareed, oo guud ahaan maamusha siyasada qaranka ee ciyaraha, gudidada olypikada oo dabagal iyo qimayn kusamysa habsami usocodka ciyaraha iyo Xidhiidhada oo ah laf dhabarta farsamo ee ciyaraha islamar ahaantana ah waaxda fulinta oo qarankana usoo qabtay hawlo farabadan, ciyaruhuna halkaa ay marayaan soo gaadhsiiyay.
Islamar ahantana lajaan qaaday xukuumada Cusub ee Madaxwayne Ahmed Mohamed Silanyo oo garab istaagtay mudadii ay jireen, waxtar muuqdana laqabatay iyadoo ay jireen caqabado iyo dhibaatooyin wali jira oo u baahan in wax laga qabto. Waxaanu go’aan sanay:
- inaanu wasiirka dhalinyarada iyo ciyaraha uga digno khilaaf hor leh oo mar labaad kasoo if baxa wasarada iyo xidhiidhada sida madaxa banaan loo doorto;
- inuu wasiirku ka feejignaado kooxaysiga ay ku qadhabanayayn dad dan moodaya khilaaf cusub oo wasarada laga abuuro xili xasasi ah oo ciyaro fooda inagu soo hayaan;
- in aanu faragalin kusamayn, xaq dhawrana siyasada wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha, shuruucda olypikada calamiga ah iyo waliba kuwa xidhiidhada sida FIBA iyo FIFA oo dhamantood si cad u qeexaya structureka iyo waliba sharciga xidhiidhada;
- siyasada wasarada dhalinyaradu waxay si cad uqeexaysaa goorta xidhiidh lafara galin karo oo ah markay ku kacaan musuq maasuq, iyo inay ka hor yimaadan dantii qaranka, waxaananu kusoo jeedinaynaa inaad arintaa dib u eegtid iyo;
- inaad talo qaran kasamayso qaban qabada iyo qabsoomida iyo ciyaraha gobolada ka hor xili munaasib ah, si aanay u dhicin tuhunadii kugadana xiligii ciyaraha gobolada ee 2011.’
Wabilaahi Towfiiq
ALLAA – MAHAD LEH
