Uncategorized

Duqeyntii oo ku badatay Kismaayo,ciidamadii oo ku siqaya iyo qax halkaa ka socda

Kismayo Sept 05,2012(SDN)-Duqeymaha ayaa maalmihii u danbeeyay la joogteeyay magaalada Kismaayo ee ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM ay duulaanka ku ahaayeen mudada sanadka ku dhaw.

Sida ay xaqiijinayaan shacab ku sugan meelo kala duwan oo magaalada ah waxa la dareemayaa cabsi saaid ah oo salka ku heysa dagaalka magaalada ku soo wejahan.

Shacabka ayaa ilaa iyo todobaadba isaga baxayaya magaalada iyada oo ay kooxda Al Shabaab ee ka arimisa magaalda Kismaayo iyo gobolka Jubbada hooseba ay soo rogeen amaro is hortaagaya in dadku magaalaa isaga baxaan.

Maraakiibta dagaalka ee huwanta ayaa xeebta ka muuqda waxaaney maalmihii u danbeeyay bartilmaansanayeen fadhiisimada kooxda Al Shabaab.

Duqeymaha ayaa u gogol xaadhaya duulaan dhulka ah oo magaalada u soo jira 90km oo qura,waana sababtaa ta shacabku magaalada uga yaacayo.

Dadka Kismaayo ka huleelay ayaa intooda badan u jiheysanaya Jilib,halka qaar kalena ay tegeen Marko iyo Baraawe.

Ma cada in shabaabku u babacdhigi doono xogaga ku soo wejahan iyo in sidoodii ay dib u “gurasho” sameyn doonaan.

Waxase cad oo muuqda jabka ku soo wejahan magaaladaa iyo Shacabkaa Soomaaliyeed ee dhib u jooga ahaa inta la xusuusto.

SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com