Rotterdam Sept 05,2012(SDN)-Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa maalinimadii shalay la hor keenay maxkamad ku taal dalk Holland oo dhegeysan doonta dacwad ku saabsan weerar ay burcadu u geysataya qaar ka mida ciidamada dalkaasi.
Ciidamada Holland ayaa waday hawgal lagu samata bixinayay dooni Iran laga leeyahay oo Burcadu ay qabsatay.
Burcad ayaa rasaaseysay ciidanka ka dibna waxa gacan sareeyay ciidamadii holland oo gacanta ku dhigay 16 Soomaali ah oo 11 ka mid ahi la maxkamadeynayo.
Maxkamada oo ka socota magaalada Rotterdam ayaa lagu wadaa in ay socoto dhawr todobaad oo ilaa Octoberna la xukumo,sida uuu sheegay afhayeen u hadlay maxkamada.
Ma aha markii u horeysay ee Burcad badeed Soomaali ah lagu maxkamadeeyo Rotterdam,balse 2010kii ayay isla maxkamadani waxa ay xadhig shan sanadooda ku riday Buracad Soomaali ah.
Weeraradii Burcadu ay ku qaadi jireen maraakiibta isga gooshta marin biyoodka geeska Africa ayaa si weyn hoos ugu dhacay bilihii ina dhaafay,ka dib kolkii la kordhiyay hawlgalo caalemi ah oo lagula dagaalamayo.
SDN-Rotterdam
contact@somalidiasporanews.com
