Raqqa sept 20,2012(SDN)-Duyuurada dagaalka ee dalka Syria ayaa manata goob shidaal oo dhacda aaga xadka dalkaasi la wadaago Turkiga ayaa waxa ku dhintay kuna dhaawacmay dad rayida.
Sida ay sheegeen mucaaridka xukuumada Bashar Al Asad weerarka waxa ku qudh baxay in kabadan 30 ruux,tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen.
Kaalinta shidaal ee duyuuradu duqeysay ayaa ah ta qudha ee aagaasi ka shaqeynayesay,waana sababta keentay dhimashada iyo dhaawaca saaidka ah.
Xukuumada Syria ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan u danbeeysay ee dadka faraha badani ku le’deen.
Xukuumada Syria ayaa dagaal ahli ah kula jirta jebhad mudo haatan ku sii siqeysa laba sanadood.
Dedaalada caalamka ee xiisadan lagu dejinayo ayaa ah mis si weyn loogu kala qeybsamay.
SDN-Raqqa
contact@somalidiasporanews.com
