Uncategorized

Eedo ka dhashay dilkii loo geystay safiirkii Libiya u fadhiyay magaalada Bengazi

Washington Sept 20,2012(SDN)-Weerarkii dhawaanta lagu dilay safiirkii Mareykanka ee dalka Liibiya ayaa waxa ka soo baxaya eedo ku wejahan amniga safiirka iyo ismaan dhaaf ka jira cida weerarka geeysatay.

Mucaaridka xukuumada Obaama ayaa qaba in Safiir J. Christopher Stevens oo shaaciyay dilkiisii ka hor in Al Qaacida ay bartilmaansaneyso aan hadana wax tilaabo ah oo arinkaa ku haboon aan la qaadin.

Waxa sidoo kale aan cadeyn cida dhabta ah ee kadanbeysay weerarka safiirka lagu dilay,inkasta oo dad tiro badan loo qabqabtay falkaasi.

xisbiga Jamhuuriga oo tartan adag ugu jira  sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen madaxweyne Obaama ayaa dalbanaya baaritaan lagu sameyo cida leh eeda dilkii loo geystay safiirkii Mareykanka ee Liibiya.

Xukuumada Mareykanka ayaa ku adkeysaneysa in safiirka lagu dilay weerar lagu qaaday safaarada Benghazi oo ka dhashay caro laga muujiyay film lagu aflaagadeeyay diinta Islamka.

Waxaana weli aaney qiran in dilku ahaa weerar agegixiso oo qorsheysnaa.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com