Uncategorized

Ehelada Dad ay Heystaan Burcad-badeed oo Qurbejooga Soomaalida Taageero ka codsaday

Delhi July 22,2013(SDN)-Qoysaska Maxaabiis ku jira gacanta Burcad-badeed Soomaali ah ayaa waxa ay Qurbejooga Soomaalida weydiisteen in ay gacan ka siiyaan sidii eheladooda looga siideyn lahaa Burcad Badeeda.

Shaqaalaha markabka MV Albedo oo ka soo kala jeeda dalalka India,Bangaladeesh iyo Sri Lanka ayaa burcadu gacanta ku dhigtay dhamaadkii sanadii 2012kii.

“Mulkiilaha Markabku ma uu qaadin wax tilaabo ah oo lagu soo furanayo maxaabiista,dawladahayaga iyo caalamkaba waxaanu ka codsaneynaa in ay naga caawiyaan siideynta 11 ruux.”ayaa qoraalka ehelku qoreen lagu yiri.

Qoysaska Ragan la heysto ayaa Qurbejooga Somalida ka codsaday in ay Burcada Soomalaida ugu baaqaan in ay siidaayaan maxaabiista.

Markabka MV Albedo ayaa dhawaan ku degay xeebha Bari ee Soomaaliya oo mudo dheer uu halkaa ku xiraa.

Shaqaalihii markabka ayaa intooda badani ay nool yihiin inkasta oo aan ilaa hada wax war iyo wacaal ah laga heyn ragii u dhashay Sri Lanka oo tiradoodu aheyd 4.

Qoysaska ayaa quus ka muujiyay mulkiilaha Markabka oo ay sheegeen in aanu wax dan ah ka leheyn soocelinta Shaqaalaha iyo Markabkaba.

Sidoo kalena waxa ay qoysasku fariintooda ku dareen in Allah SWT uu ciqaabi doono hadii ay Burcadu maxaabiistaas waxyeeleyso.

“Waxaanu nahay dad sabool ah mana heysano lacago anu xitaa raashin siisano,markaa sii daaya ragan aad heysataan,Ilaahayna waa uu idin ciqaabi doonaa hadii aad dishaa dad sabool ah oo aan waxba galabsan”ayaa qoraalka ehelka maxaabiista lagu so gunaanaday.

SDN-Delhi
contact@somalidiasporanews.com